Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Nin Soomaali Oo Saaka Lagu Gowracay Magaalada Bristol Ee Dalka UK.(Sawirro)

sawir
Fri 11 January 2019.

Saaka waaberigii ayaa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska lagu gawracay wiil Soomaali ah oo la sheegay inuu dhawaan dalka Ingiriiska yimid.

Dilkan ayaa waxa gaystay nin kale oo Somali ah kaasoo la sheegay uu qaadan jiray dawooyinka ay cunaan dadka dhimirka ka xanuunsan, isla markaana uu ahaa maamulaha gudiga uu marxuunku daganaa.

Ninka dilka loo geystay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa gaari taksi ah uu muddo kooban degenaa dalka Ingiriiska isagoo markii hore ka yimid dalka Holand.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay ka dib markii ay wargelisay haweeney ka tirsan dadka degaanka oo aragtay isagoo wata mindida uu wax ku dilay.

Lama oga sababta uu ninkan u dilay wiilka dhalinyarada ah, iyadoo Booliskuna ay sheegeen iney baaritaan ku hayaan dhacdadan, waxaana dilkan ka argagaaxay.



61 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines