Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Saraakiil Tababar Ciidan kusoo Qaatay Turkiga Oo Maanta Lagu soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.(Sawiro)



sawir
Fri 11 January 2019.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay in ka badan Boqol xubnood oo isugu jirtaSaraakiil iyo Saraakiil xigeenno, tababar Ciidan ku soo qaatay Dalka Turkiga, kuwaasoo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiika ayaa si weyn uga mahad celiyay Dowladda Turkiga oo dedaal weyn ugu jirta sidii ay Soomaaliya u dhisan lahayd Ciidankeeda, isagoo madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisulWasaare ,Xasan Cali Kheyre, ku bogaadiyay dedaalkii ay geliyeen dhismaha Ciidanka, wuxuuna sidoo kale ammaanay hammiga Dhalinyarada soo qaadatay tababarka ee ah difaaca Dalkooda Hooyo.

Dowladda Turkiga ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo tayadii uu Ciidanka Xooggu lahaa, iyadoo Dalkeeda u qaadday Dhalinyara badan oo halkaasi lagu soo leylinayo, waxanay sidoo kale Magaalada Muqdisho ka furtay Saldhig lagu carbiyo Ciidanka Difaaca, halkaasoo ay kasoo baxeen dufcado dhowr ah.



23 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines