Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Maxkamada Ciidamada Oo Shaacisay Kiisaska Ugu Dernaa Sanadkii Tagay Iyo Kooxda Ugu Halista Badan Somaliya.



sawir
Fri 11 January 2019.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada qalabka sidda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faahfaahin ka bixiyay Kiisaskii ugu badnaa ee sanadkii lasoo dhaafay ay qabatay Maxkamadda Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in Kiisaska ugu badan ee soo gaaray Maxkamadda in ay yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in yihiin ugu halista badan Soomaaliya.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in wali ay taagan tahay halista  waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ah, uu sheegay in ay halis ku yihiin Nolosha Umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Kooxda ugu halista badan Soomaaliya hadda ay tahay Kooxda Daacish oo Sanadyadii ugu dambeeyay Soomaaliya kasoo ifbaxday.

Daacish ayaa u muuqata, inay hadda halis ahaan ka sare mareyso kooxda Daacish, ayada oo kooxdan ay isku dayeyso inay is-muujiso, islamarkaana ay gacanta ku dhigto deeganao badan.

 



32 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines