Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Baarlamaanka Itoobiya Oo Go'aan Ka Gaadhay Heshiisyo Dawladu La Gashay Rwanda Iyo Marooko



sawir
Fri 11 January 2019.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa go’aan ka gaadhay heshiisyo ay dawlada la gashay wadamada Marooko iyo Rwanda.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay heshiisyo ay dawladu la gashay dalka Marooko heshiiskaasi oo dhigaya ilaalinta iyo kordhinta maalgashiyada u dhaxeeya labada dal, kaas oo kor u sii qaadaya xidhiidhka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya labada wadanka isla markaana horseedaya shaqo abuur, kordhinta wax soosaarka iyo iswaydaarsiga technologyada.

Sidoo kale waxay ansixiyeen heshiisyo ku saabsan xogta, saxaafada iyo wax soo saarka beeraha oo ay dawlada Itoobiya la gashay dawlada Rwanda, heshiiskaas oo dhigaya in Addis Ababa ay noqoto xarunta fidinta xogta wararka taas oo xarun u noqon doonta ururo badan oo caalami ah isla markaana Rwanda u gudbin doonta khibrada dhinaca beeraha.

Sikastaba, ha ahaatee baarlamaanka Itoobiya ayaa cod aqlibiyad ah ku meelmariyay Heshiisyadan fadhi ay maanta yeesheen iyada oo ay miiskana u saaran yihiin xeerar kale oo muhiim ah.



18 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines