Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Ciidamo Gadoodsan Oo la Wareegay Xaumaha Maamulka Galmudug Ee Magalada Dhuusamareeb.

sawir
Fri 11 January 2019.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen saaka Saldhigga Booliska iyo xarumo kale oo ku yaala Magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in la jaro Isgaarsiinta magaalada Dhuusamareeb oo hawada laga saaray.

Ciidamadan oo ka mida Booliska Galmudug ayaa cabanaya mushaar la’aan muddo bilo ah, waxayna ku dhaqaaqeen tallaabo ay kula wareegeen waddooyinka laga galo saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, waxaana bilwoday dadaal loogu jiro xalinta dhibaatada ay tabanayaan ciidamada.

Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweyaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu kormeer ku tegay xarumaha Ciidamada Galmudug, waxayna dhalisay xaalad kacsan.

Dad ku sugan Dhuusamareeb oo Internetka lagu helay ayaa sheegey iney dhibaato ku qabaan lacagta Taleefonada ku jirta oo aysa wax ku iibsan karin, maadaama aysa shaqeynayn, waxayna intaasi ku dareen in dhamaan deegaanada Galmudug laga isticmaalin lacagta shilinka Soomaaliga oo mar hore ay ugu dambeysay

 



34 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines