Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xulufada Mareykanka Oo Maanta Billaabay Qorshaha ay Uga Baxayaan Gudaha Dalka Suuriya.

sawir
Fri 11 January 2019.

Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay inay maanta iskaga baxaan gudaha dalka Suuriya, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay go’aan uu kusoo saarayo 2,000 oo askari oo Mareykan ah, oo dalka Syuuriya u jooga inay ciidamada Kurdish-ka ay hogaamiyaan ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.

“Isbayahsiga waxay billaabeen qorshaha kasoo bixitaanka Suuriya. Sababo amni dartood ,ma bixin karo faahfaahino ku saabsan waqtiga, goobta iyo dhaqaaqa ciidamada” waxaa sidaas yiri Colonel Sean Ryan.

Xulufada Mareykanka ee Kurdish-ka waqooyiga Suuriya ayaa ka cabsi qaba in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay waddada u furi doonto weerar uu Turkiga muddo qorsheynayey inuu halkaas ku qaado.

Turkiga ayaa kooxaha Kurdish-ka Suuriya u arka inay halis amni ku yihiin.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa talaadadii sheegay in badbaadinta Kurdish-ka ay shuruud u tahay bixitaanka ciidamada Mareykanka, hadalkaas oo ka carreysiiyey madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, kaasi oo ku qeexay “qalad weyn.”

Hase yeeshee, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa khamiistii sheegay in hanjabaadda Turkiga aysan waxba ka beddeli doonin qorshaha bixitaanka Mareykanka.

 



30 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines