Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Daawo Wakiilka Somaliland U Jooga Ingiriiska Oo Beenisay in UK Ergay U soo Magacawday Somaliland.



sawir
Thu 10 January 2019.

Ayaan Maxamuud Cashuur, oo ah wakiilka Somaliland u jooga waddanka Ingiriiska ayaa beenisay in UK Ergay ama safiir u soo magacawday Somaliland.

“UK waxaa u jooga Somaliland representative u qaabilsan xidhiidhka UK and Somaliland. Please joojiya warka aad faafinaysiin; safiir iyo envoy midna maaha. Ilaahey maalintaas ha inna gaadhsiiyo. Insha allah dhawaan” ayay tidhi Ayaan. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayaa isaguna Sheegay warka ah In Ingiriisku Safiir gaara u magacaabay Somaliland .
 
wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, oo ku sugan UK ayaa sheegay in uu la kulmay Ergaygaasi oo dhawaan xilka qaban doona.
waxa uu sheegay in uu hoos iman doono wasaarada arrimaha Dibadda UK.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkan Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriisku socdaal ku yimi magaalada Hargeysa.



46 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines