Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxweyne Deni Oo la Kulmay Musharixiintii Uu kaga Guuleystay Doorashadii ka Dhacday Garowe.(Sawiro)

sawir
Thu 10 January 2019.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garowe ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay musharixiintii uu kaga guuleystay xilka madaxweynaha iyo kuwii isaga u tanaasulay.

Kulankan Qado Sharaf ahaa oo ka dhacay magaalada Garowe ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa waxa uu kala hadlay musharixiinta kula tartantay doorashadii dhacday arimo dhawr ah oo ka taagan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan kaligii waxba ka qaban karin Puntland, islamarkaana uu u baahan yahay in musharixiinta ay kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa deegaanka.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa musharaxiinta ku hanbalyeeyay sidii ay u aqbaleen natiijadii kasoo baxday Doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, islamarkaasina ay ka dhigan tahay inay dhamaantood wada guuleysteen, waxaana uu ka codsay inay kala shaqeeyaan horumarinta deegaanka.

Madaxweynihii hore ee Puntland iyo ku xigeenkiisii ayaa qeyb ka ahaa kulanka maanta ka dhacay magaalada Garowe.



44 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines