Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

UK Oo Joojisay Safar Uu Muqdisho ku Tagi Lahaa Wasiirkeeda Difaaca iyo Sababta ka Denbaysa.



sawir
Thu 10 January 2019.

Dawlada UK ayaa joojisay safar uu ku tagi lahaa magalada Muqdisho wasiirkeeda difaaca md. Gavin Williamson, taasoo lagu sababeeyay xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex oogan tahay dowladaha Soomaaliya iyo UK.

Wargeyska The independent ee kasoo baxa London ayaa lagu sheegay in go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho.

Wargeyska waxa uu sheegay in Williamson uu la kulmi lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas ayada oo u muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka lagu cayriyey Haysom.

Williamson ayaa taas beddelkeeda booqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Britain ayaa golaha ammaanka ee QM hor-dhigtay bayaan sabtidii la isku raacay oo golaha uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Haysom.

Wargeyska waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax fal-celin ah ka sameyn bayaanka UK ee golaha ammaanka iyo joojintii safarkii la qorsheeyey inuu Williamson ku tago magaalada Muqdisho.

 



60 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines