Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dad ku Dhintay Mudaharaado Looga soo Horjeedo Xukunka Al-Bashiir Oo ka Socda Suudaan.

sawir
Thu 10 January 2019.

Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ka dhan ah xukuumada Al Bashiir oo shalay ka dhacay magaalada Omdurman oo u dhaw magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi.

Booliska Suudaan ayaa dibadbaxayaasha ku kala eryay suntan dadka ka ilimeeysiisa, iyagoo dadka dibadbaxa dhigayay ay ku dhawaaqayay ereyo ay ku codsanayaan inay helaaan caddaalad iyo xoriyad.

Dhaqaatirta ku sugan Suudaan waxay sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay qabaan dhawaacyo rasaas isla markaasna hadda ay daweynayaan, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in toogasho ay ka dhacday isbitaalka ugu weyn ee daagaankaasi.

Khasaaraha ka dhashay dibadbaxyada ay kusoo beegmayaan xilli madaxweyne Cumar Al Bashiir uu ka qeyb galay shalay isu soo bax siyaasadeed oo lagu tageerayo dowladdiisa, isagoo xusay in uusan xilka ka dageynin.

Dalka Suudaan waxaa hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday, waana dhibaatadii ugu weyneyd ee uu wajahayo Al Bashiir tan iyo markii xukunka uu kula wareegay awood militari 30 sanno ka hor.

 



47 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines