Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Musharaxa Mucaaridka Oo ku Gacan-saydhay Natiijada Doorashada Congo Oo la Shaaciyey.

sawir
Thu 10 January 2019.

Musharaxa mucaaridka ee kaalinta labaad ka galay doorashadii madaxtinimo ee dalka jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa ku gacan seeray natiijada rasmiga ah oo muujisay in Feilx Tshisekedi uu ku guuleystay doorashadii dhacday 30-kii December, kuna qeexay mid been abuur ah.

Guddiga doorashada dalkaas ee CENI ayaa goor hore oo khamiista maanta ah ku dhawaaqay in Tshisekedi uu helay 38% codadkii la tirayey.

Natiijada ayaa ka yaabisay kormeerayaasha, maadaama codadka ra’yiga ee ka hor doorashada ay saadaaliyeen in hoggaamiyaha kale ee mucaaradka Martin Fayulu uu ku guuleysanayo doorashada.

Martin Fayulu oo helay 34% codadka ayaa ku eedeeyey guddiga doorashada inay fuliyeen “afgmabi doorasho”, wuxuuna ugu baaqay Kaniisadda Katooliga inay shaaciso natiijada cod ururinteeda madaxa banaan.

Diblomaasiyiin badan ayaa warbaahinta u sheegay in codadka ay xisaabiyeen kooxda kormeerayaasha kaniisadda ay muujinayaan in Fayulu uu ku guuleystay doorashada.

Wasiirka arrimaha dibedda Franasiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale shaki ka jujiyey natiijada, isaga oo u sheegay taleefishinka Faransiiska ee CNews in natiijada rasmiga ah iyo codadka la xisaabiyey aysan is-waafaqsaneyn.

Natiijada rasmiga ah ayaa sare usii qaadi doonto xan sheegeysay in madaxweynaha xilka ka degaya ee Joseph Kabila uu heshiis la galay Tshisekedi si uu ugu dhawaaqo inuu doorashada ku guuleystay.

Emmanuel Ramazani Shadary, oo uu madaxweyne Kabila u xushay inuu beddelkiisa noqdo, ayaa kaalinta saddexaad oo aad u fog galay.

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ka dalbaday dhinacyada isku haya doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab waafaqasan sharciga iyo dastuurka dalkaasi, islamarkaasina ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida dalkaasi kaddib markii lagu murmay natiijada kasoo baxday guddiga doorashooyinka.

 



21 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines