Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxweyne Deni Oo ka Hadlay Xiisada Tukaraq Iyo Aragtidiisa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

sawir
Wed 09 January 2019.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa kaga hadlay rrimo kala duwna oo quseeya Federaalka iyo muranka iyaga iyo Somaliland iyo sida uu u arko golaha Iskaashiga dowlada goboleedyada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in maamulka dariska la ah Soomaalilnad ay kusoo xadgudbeen kuna soo gardoodeen deegaanada Puntland, waxa uuna ugu baaqay in ay dib uga baxdo dhulka Puntland ay ka heestaan, waxuuna xusay inuu waada hadal lagu eegi doono khilaafka dheleed ee ka taagan Tukaraq.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in dhisida nidaamka Federaalka ay Puntland qeyb ka aheyd, isla markaana naf iyo maal kaga baxay, waxaa uu xusay inay sii xoojin doonaan.

Waxaa uu sheegay in dalka uu ku jiro Marxalad dib u dhis ah, isla markaana Dastuurka uu qabyo yahay, lagana soo baxay nidaam dowlad dhexe, haatan la galay nidaamka Federaalka, isagoo xusay inay ka shaqeynayaan shuruucda lagu hagi lahaa, isagoo xusay in arrinata jira aanay khilaaf aheyn, balse ay tahay aragti duwanaan.

Wareysiga lala yeeshay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa lagu weediiyay su’aal aheyd sida uu u arko golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dastuurka u qoran uu dhigayo in maamul goboleedyada iskaashadaan, waxa uuna xusay in uu ku dhaqmayo waxa ku qoran dastuurka u degsan maamulkiisa Puntland.

”Dastuurka ayaa dhigaya in Maamul Goboleedyada ay iskaashadaan wixii danahooda kadhaxeeya. in la iskaashadana ma ahan wax dastuurka kasoo horjeeda”.Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wax laaluush ah uusan ku bixin doorashadi uu ku guleestay, waxa uuna xusay ololihii uu sameeyay intii uu tartanka ku jiray ay ahaayeen kuwa Xalaal ah.

Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland kasoo yeeray ayaan wali kala cadeyn go’aanka uu ka qaadanayo maamulkiisa golaha Iskaashiga dowlada goboleedyada oo hada u muuqda mid sii bur buraya kuna soo hareen sadexda maamul ee Jubbaland, Puntlad iyo Galmudug.



50 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines