Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Wasiirka Difaaca Itoobiya Oo Ka Hadashay Ciidamo La Ruqseeyey Iyo Isbadal Lagu Sameeyey Xeerarka Ciidamada.



sawir
Wed 09 January 2019.

Wasiirka difaaca dalka Itoobiya Mss Eng Aisha Mohamed oo maanta ka hadashay isbadal lagu sameeyey ciidamada kala duwan ee dalkaasi.

Wasiirka oo warbixin siinaysay golaha baarlamaanka ayaa sheegtay in lixdii bilood ee ugu dambeeyey isbadal badan lagu sameeyey barnaamijyo ciidamadu leeyihiin iyada oo xustay in xeerar gaadhaya 20 lagu sameeyey wax ka badal.

Sidoo kale waxay xustay in lixdii bilood ee ugu dambeeyey ay ciidamadu heleen wixi ay u baahnaayeen iyada oo la ruqseeyey tiro gaadhaysa 7,017 askari oo ku guul daraystay inay ka gudbaan tijaabinta caafimaadka maskaxda.

Wasiir Mss Eng Aisha Mohamed ayaa sidoo kale cadaysay inay hayaan jidkii ay ku dhisi lahaayeen ciidamo xoogan oo difaaca dalka isla markaana guta waajibaadka ka saaran dalkooda, iyada oo xustay in la diyaarinayo ciidamadii bada iyada oo tababaro ay bixinayaan khabiirou dhashay wadamada faransiiska Iyo Kenya kuwaas oo Itoobiya caawinaya dhismaha ciidamada bada.



37 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines