Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Qaramada Midoobay Oo War kasoo Saartay Doorashadii ka Dhacday Puntland.



sawir
Wed 09 January 2019.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ee shalay ka dhacday magaalada Garawe.

Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ahna ku xigeenka ergeyga gaarka ah Raisedon Zenenga ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Cabdulaahi Deni iyo Axmed Cilmi Karshe doorashadii ay shalay ku kala guuleysteen.

War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in  kusimaha ergeyga qaramada midoobay waxa uu u hambalyeeyay guddiga doorashada Puntland, sida ay u diyaariyeen doorashada ku dhacday sida nabadda ah.

“Waxaan rajeyneynaa in aan si dhow u wada shaqeyno Madaxweyne Deni.”ayuu yiri Mr Zenenga.

“Waxaan sidoo kale aan ammaan u soo jeedinaynaa Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo maamulkiisa sida ay u maamuleen in si nabadgelyo ah awooda la isugu wareejiyo isla markaana suurtogeliyay jawi wanaagsan oo ay guddiga doorashada waajibaadkooda ugu guteen.”



7 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines