Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Mudaharaado Lagu Taageerayo Madaxwaynaha Suudaan Al-bashiir Oo ka Dhacay Magalada Khartuum.



sawir
Wed 09 January 2019.

Dibadbaxyo lagu taageerayay madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa maanta ka dhacay magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi.

Mudaharaadkan oo ka dhacay fagaaraha Green square ayaa waxa soo qaban qaabiyay xisbiga talada dalkaasi haya, waxaana  kasoo qeyb galeen boqolaal qof, kuwaaso lulayay calanka dalka Suudaan.

Telefishinka dowladda Suudaan ayaa baahiyay muuqaalada dibadbaxyadaasi, waxaana la arkayay mudaharaadayaasha oo ku dhawaaqaya ereyo muujinaya ahmiyada ay leedahay midnimada shacabka Suudaan.

Dhanka kale, dibadabaxyo kale oo looga soo horjeedo dowladda Suudaan ayaa maanta la filayaa in lagu qabto agagaarka baarlamaanka dalkaasi.



16 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines