Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dr Bulxan iyo Sucaad Carmiye oo Jiif iyo Fadhi u Diiday Heritage/Dhaxal iyo 100-kii Wax garad ku Sheegii Somalia ee Djibouti Isugu tagay-Mohamud Aden Samatar



sawir
Sat 29 December 2018.

Qaybtii hore ee lagaga doodayay qadiyadda Somaliland ee ay hormood/panel ka ahaayeen Dr Bulxa, Sucaad, Prof Warsame iyo Eng. Khadar. Qorshaha Dhaxal/Heritage ayaa ahaa in ay taageerayaashooddu waydiiyaan su' aalo rakhiisa/jaban  oo ay ka  mid yihiin , midnimada wixii la isku odhan jiray Somalia, Aqoonsi soo xidhmay  iyo  sida ay Somaliland ula dhaqanto calooshooda u shaqaysta yaasha u shaqa tagay Somalia. 

 

 Ogow Heritage/Dhaxal waxa dhisay Caynte oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay Somalia, waxana uu wasiir/qorshaynta  ka ahaa xukuumaddi Xasan Sheekh. Taas oo keenaysa in aanay Heritage/Dhaxal dhex dhaxaad ka ahayn Somaliland/Somalia. Hase ahaatee ay doodu fiicantahay marka laga hadlayo Somaliland/Somalia hadii uu hoogaanka fadhigu/panel-ku yahay mid dheeli titran, xaga Somaliland/Somalia.  

 

      Markii ay ku fashilmeen qorshoodii qaybtii hore ee ay ka  seexanwaayeen kadib markii ay Dr Bulxan iyo Sucaad runta qasab ku liqsiiyeen, ayaa ay qabteen qaybtii labaad oo ay islahaayeen mawdduuca yara badala si aad Dr. Bulxan iyo Sucaad uga libin heshaan, waxa ay  diyaariyeen tageera yaal badan oo ku hanfiya/qarqiya  Dr Bulxan iyo Sucaad su'aalo kale oo jaban, waxa kale oo ay  meeshii soo fadhiisay laba nin oo kale, Hadliye iyo Cabdi kariim oo ka soo Somaliland, Bari/Galbeed. Maxay ugu soo dari wayeen laba nin oo kale oo  taageersan Somaliland kana soo jeeda  Bari/Gabeed?  Jawwaabtu waxa weeyi waxa doonayeen in kala qaybiyaan Somaliland, sidii ay horeba waligood ugu qaybin jireen , si ay meesha uga dhigaan meel ay ku doodayaan Isaaq, Gadabuursi iyo Harti, beelo isku haysta  qadiyadda Somaliland.

 

            Horta aduunka qofba qofka uu ka ilbaxsan yahay ayuu ka daacad san yahay oo uu ka runsheeg badan yahay. Ilbaxnimada ayaa ka timaad laba arimood , mid dhaqan iyo mid waxbarasho.

   

      Midda dhaqan  oo ka timid hab dhaqan bulsho  soo jireen ah salna uu u yahay af/luqad hodan ah oo ay bulshaadaasi leedahay. Luqad hodan ah oo uu ku lamaan yahay dhaqan soo jireen ihi  waxa uu   fure u yahay xalinta khilaafaadka ama is maandhaafka ka dhex jira dadkaas . Ibaxnimadaas ka timid dhaqankaas ee salka uu u  yahay Afka hodanka ihi waxa ka samaysma xeer ama sharci ay bulshadaasi samaysato oo xaqa iyo xaq dara kala saara.

 

    Ilbaxnimadan ayaa adamahu ku dhaqmayay ka hor intii aanay diimaha kala duwan ee aadamahu ku dhaqmo soo dagin.  Inkasta oo diimaha laftoodu  ay ka yimaadeen  ama ilaahay soo dajiyay markii ay ilbaxnimadii aadamuhu aad u kobocday ee dadkii  is waydiiyeen xaga ay ka yimaadeen iyo sida ay ku abuurmeen, taas oo keentay diimaha kala gadisan ee maanta jira oo ah laftoodu ah  ilbaxnimo ka heer sareeya ilbaxnimooyinkii jiray diimaha ka hor. Marka laga hadlayo fariimaha ay dirayaan diimuhu, sida naxariista, xaq soorka, iscaawinta , xidhiidhka qoyska iyo bulshada oo ah ah dhaqan ka heer sareeya intii aanay diimuhu soo dagin .

 

      Ilbaxnimada ka timaad waxbarashada ee maadiga ah, una badan wax barasho ku salaysan af qalaad sida  ingriis, franciis, talyaani iyo Carabi iwm oo cilimigii intabadan ku qoran yahay,   ayaa ah mid ku xidhan waxa barashadaa uu ilmuhu bilaabo dugsi hoos ilaa heer jamacadeed. Ilbaxnimadan ayaa waxa ay qofkii fursad u siinaysaa in uu barto taariikha kala duwan ee wadama adduunka ama aadamuhu soo maray, waxa uu fursad u helyaa in uu akhriyo bugaag kala duwan oo nooc kasta leh oo ay ku  dhan tahay taarkhiida adamahu oo wadan kasta leh.     

 

      Ilbaxnimadan uu qofka aadamu ka helay wax barashada ayaa waxa ay qofkii  wax bartay u kordinaysaa inuu kala barto xaqa iyo xaqdarada, runta iyo beenta. Waxana ka soo baxa laba nooc,  qof xaq soora, oo daacad nimo iyo run u horseeda umadda aduunka ama dalkiisaba, iyo  qof ay wax barashadu dhan ka marto oo aanay  doorin/badalin dhaqankiisa oo ka fog ilbaxnimo. 

 

        Hadaba hadaan dib ugu noqono 100kii wax garad ee Somalia ka yimid , gaar ahaan intii talooyinka ama waydiimaha/su'aalaha soo jeedisay marka laga reebo Dr Max'd Ingiriisi, dhamaantood runta iyo marka taariikhda/Sooyaalka Somaliland laga hadlayo,  RUNTA way iska indha tirayeen, ra'yigooduna wax qiima aha kuma fadhiyin. Waxa ka mid ahaa ra'yiga ay qaar wax garad isku sheegu soo jeediyeen. 

 "Somaliland waxa yaal hantidi ay dawladii qaran/Siyaad Barre dhistay sida wadooyinka, dugsiyada, dhakhtarda IWM. sidaa awgeed ma gui, karto". Kamuu hadal kumaankunkii ay dawladii qaran laysay/xasuuqdday  iyo hantidii ay diyaaradaha iyo tankiyada ku burburisay. Meeday ilbaxnimadii laga dhaxlay waxbarashada?  

 

 Mid kale ayaa yidhi "waa in Somaliland/Somalia  sameeyaan gudi cilmi baadhis/research ku sameeya taariikhda Somaliland si taariikhda Somaliland aan  u barano, ama loo ogaado." 

Waxa iswaydiin leh nin wax garad isku sheegaya oo leh waxa aan meesha u imid in aan ka qayb qaato dooda qadiyadda Somaliland ,  inuu waxa kor ku xusan ku hadlo. Meeday ilbaxnimadii laga dhaxlay waxbarashada? 

Sidii Dr. Bulxan sheegay waxa jira Somaliland iyakuna  jiil 16-30-jira oon  iykuna aqoon Somalia wax la yidhaa. 

 

      Guntii iyo gabagabadii ilbaxnimo dhaqan iyo mid waxbarashoba waxa meesha ama dooda ka soo baxay laba halyay oo xambaarsan ilbaxnimo dhaqan iyo mid waxbarasho/tacliinba, waana, Dr BULXAN iyo SUCAAD CARMIYE.

 

Mohamud Aden Samatar

samatarapt@gmail.com 

 

   



190 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines