Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dowlada Denmark Oo Meel-marisay Sharci Yaab leh Oo ka Dhan ah Soo-galootiga.

  

sawir
Thu 06 December 2018.

Dowlada Denmark ayaa soo saartay sharci lala yaabay oo dhigaya in qaxootiga haysta diidmada sharciga Denmark iyo kuwa dembiyada gala ay geynayso jasiirad lagu magacaabo Lindholm.

Jaziiradan ayaa ayaa ah meel lagu baaro xaywaanada qaba cudurada kala duwan, qaxootiga aan sharciga haysan  iyo dadka danbiyada galay ayaa jasiiradan la gaynayaa wixii ka dambeeyey sanadka 2021.

Xisbiga Danske Parti ee dalka Denmark ayaa sheegay in ajaanibta diidmada haysta iyo kuwa dembiga galay aysaan boos ku lahayn dalka.

“Illaa inta laga celinayo waxaan  geyn doonaa ama dajinaynaa jasiiradda Lindholm, halkaasoo ay ku khasban yihiin inay joogaan, boolis ayaana 24 ilaalin doona” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xisbiga.

Qaar ka mid ah dowladaha Yurub iyo ururada u dooda xuquuda aadanaha oo ka hadlay arintan ayaa ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan, iyagoo sheegay iney ka dhigan tahay dad aan dembi laheyn oo xabsi la gelinayo, iyagoo ku baaqay in laga laabto.



38 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines