Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Qaab Dhismeedka Cusub Ee Magaalada Laascaanood Yeelanayso Oo la soo Bandhigay.

  

sawir
Wed 05 December 2018.

Qorshe maalmihii u dambeeyey ka socdey magaalada Laascaanood oo dib loogu habaynayo qaab dhismeedka magaalada iyo diyaarinta iyo qaabaynta qorshaha Laascaanoodda cusub, ayaa lagu soo bandhigay Hotel Mustaqbal.

Munaasibadan oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dawlada Hoose ayaa waxaa ka soo qayb galay  masuuliyiinta Dawlada Hoose, Gobolka, Dadweyne iyo aqoonyahan ayaa waxaa shirgudoominayey Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qanbi.
 
"Muhiimada aan leenahay waa in la help magaalo la tartanta caasimadaha, cid gaar ah looma  jeedo, anaguna wixii bilicda magaalada hagaajinaya cidna uga haybadaysan mayno" sidaana waxaa yidhi Gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiid Xuseen Xasan.
 
Gudoomiyaha Gobolka Sool C/rashiid Xuseen Carab ayaa in badan ka warbixiyey faa'iidooyinka hawshan dadka u leedahay, waxaanu ku nuuxnuuxsaday gaadiidka loo yaqaan Bajaajta oo laga mamanuucay wadooyinka waaweyn oo uu sheegay in aan laga noqon doonin.

Qaad badan oo ka mid ah aqoonyahanka magaalada ayaa waxay soo dhoweeyeen talaabadan la doonayo in wax lagaga bedelo muuqaalka magaalada.

Ugu danbayn waxaa halkaasi hadal dheer ka soo jeediyey Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qanbi oo qaabkan la wado si aad ah ugu sharxay dadkii munaasibadaasi ka soo qayb galay, waxaanu sheegay in maanta aanay dareemayn ee ay arki doonaan marka la qabto ee faaiidadeedu bindhaanto.
 
Hawshan ayaa dad u badan dadka danyarta ah ee ku ganacsada darafyada wadooyinka oo u arka in ganacsigooda laga soo horjeedo, halka dadka qaarkiina ay qabaan in hawshani mar uun imaan lahayd hadii hada ay timina tahay mid muhiim ah.

 



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines