Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Itoobiya Oo Amray In Baadhitaan Lagu Sameeyo Cida ka Denbaysay Isku-dhacyada Qoomiyadaha, Si loo Maxkamadeeyo.

  

sawir
Wed 05 December 2018.

Xeer ilaaiyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in hada laga shaqayn doono sidii cadaalada loo horkeeni lahaa cidii ka denbaysay rabshadaha iyo isku dhacyada beelaha wada dega dakaasi, gaar ahaan kuwii dhacay dhawaan.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha kooxda baadhista ayaa loo diray meelaha ay rabshaduhu ka dhaceen ee mudan in baadhis lagu sameeyo, si ay u soo cadeeyaan kuwa loo tirinayo inay ka denbeeyeen rabshadihii dhacay ee sababay dhimashada iyo barakicinta dadka shacabka, islamarkaasina dhaawaca u gaystay hantida dadkaasi lahaayeen.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Xeer ilaaliyaha Itoobiya ayaa lagu xusay inuu xoojinayo dadaalna uu galinayo isku xukunka sharciga, ilaalinta xaalada wanaagsan ee muwaadiniinta, iyadoo cadaalada la horkeenayo kuwa masuulka ka ah isku dhacyada rabshadaha wada oo sababay dhaqaale xumada, islamarkaasina lagu eedeynayo inay gaysteen falal ka dhan ah bani'aadamka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka kasoo baxay Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in natiijada kasoo baxda baadhitaannada loo soo bandhigi doono dadwaynaha.

 



38 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines