Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxweyne Uhuru Oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Cusub Ee Somaliya U Magacawday Dalka Kenya.(Sawiro)

  

sawir
Wed 05 December 2018.

Madaxweynaha Dawladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Mudane Tarsan oo dhowaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Danjiraha cusub  ee dawladda Soomaaliya ay u soo magacowday dalka Kenya ayaa isla maanta la wareegay xilkiisa, ka dib munaasabad lagu qabtay magaaladda Nairobi.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho iyo sidoo kale  la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.



9 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines