Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxda Itoobiya, Soomaaliya, iyo Eritrea Oo Yeelanaya Wajigii Labaad Ee Shir Saddex Geesood ah.

Share

sawir
Thu 08 November 2018.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta berri u safraya magaalada Bahr Dar ee Caasimadda Gobolka Ismaamulka Amxaarada Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Bahr Dar uga qeyb galaya shirka saddex geesoodka ay yeelanayaan Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo uu berri u safri doono magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga qeyb galayo shirka saddex geesoodka

Shirkan ayaa ah wajigii labaad shirka iskaashiga dhaqaalaha Geeska Afrika, kaasoo daba socda heshiiskii bishii September ee sanadkan ay Asmara ku kala saxiixdeen Madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Tan iyo markii uu is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika iyo heshiiska lagu soo afjaray colaadii u dhaxeysay dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Soomaaliya waxay qeyb ka noqotay xulafada labadaas dal oo ay gadaal ka taagan yihiin Isbaheysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.



17 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines

09:04am, Thu 15 November 2018