Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Toogasho Dhimasho Iyo Dhaawac Keentay Oo Ka Dhacday Gobolka California Ee Dalka Maraykanka.(Sawiro)

Share

sawir
Thu 08 November 2018.

Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan warar sheegaya rasaas lagu furay baar ku yaalla gobolka California ee dalka Maraykanka.

Ilaa iyo hadda wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya inay dhimashadu marayso 13-ruux oo uu ku jiro Qofkii Dadka laayay. Tiro intaas ka badana ah way ku dhaawacmeen baarka Borderline Bar and Grill

Muuqaal laga baahiyay warbaahinta gudaha ayaa muujinaya dad laga sii wado goobta uu shilku ka dhacay, kuwaas oo ay u badan tahay in ay dhaawacyo xabbad qabaan.

Booliiska ayaa dadka ka dalbaday in ay isaga fogaadaan goobta rasaasta laga soo sheegay.



12 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines

09:04am, Thu 15 November 2018