Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xuutiyiinta Yeman Oo ku Ganac saydhay Inay Iskaga Baxaan Magaalada Dekada leh Ee Xudaydah.

Share

sawir
Thu 08 November 2018.

Hogaamiyaha jabhadda Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa ku gacan saydhay inay ciidamadiisu ka baxaan magaalada Xudaydah, islamarkaasina ay isku diibaan xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo, sidan waxa uu ka sheegay mar uu khudbad ka jeedinayay talafashanka dalkaasi.

Cabdulmaalik Al-Xuuti oo ah Hogaamiyaha Xuutiyiinta ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay iska caabiyaan weerarada xulafada taageerta dawladda ee lagu hayo magalaada ay jabhaduhu gacanta ku hayaan ee Xudayda.

Hogaamiyaha jabhaddan ayaa sheegay in ciidamadiisa laga tiro batay, balse aysan jirin sabab uu isu dhiibaan, isgoo ku eedeeyay Mareykanka in uu hormuud ka yahay dagaalka lixda maalmood ah ee ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Dagaalkan oo wali ka socda dalka Yeman ayaa Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay inay dagaalkan qayb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka xulufada kuwaasoo hawada ka taageerayay dagaalka ay ciidamada dowladda Yaman ka wadeen dhulka.

Dagaalkan oo wali kasocda dalka Yeman ayaa kusoo beegmaya xili uu Mareykanka ku baaqay xabbad joojin balse, sidoo kale Hay'adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa labada dhinac ee colaaddu u dhaxeyso ugu baaqay in ay dadka rayidka ah u ogolaadaan in ay isaga baxaan Xudeyda.

Bartamihii bishii Juun ee sanadkan ayuu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku guul dareystay in uu isku raaco baaq ah in dalalka Sucuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ay joojiyaan weerarada ay ku qaadayaan dekadda Xudeyda ee dalka Yaman, si gacanta Xuutiyiinta looga saaro dekaddaasi, balse kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeesheen golaha ammaanka ayaa markale ku celiyay baaqooda ahaa in dekadda la furo.

Sikastaba ha ahaatee dekadda Xudeyda ayaa waxaa ka soo degga boqolkiiba toddobaatan allaabaha la keeno dalkaasi Yaman.



10 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines

09:04am, Thu 15 November 2018