Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Wafiga Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga Oo soo Gaadhay Muqdisho, Lana Kulamay Madaxwayne Farmaajo.(Sawirro)

Share
  

sawir
Wed 07 November 2018.

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Turkiga Gen, Hulusi Akar ayaa galabta ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan qaar kamid ah Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa garoonka ku soo dhaweeyey wafdigaas

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga ee soo gaaray magaaladda Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dawladda Turkiga iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Imaanshaha Muqdisho ee Wafdigaan ayaa ah siddii dawladda Turkiga ay u sii dar dar gelin laheyd taageeradda howlaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo gacan weyn ay ka geystaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga.



19 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines