Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Qaramada Midoobay Oo War kasoo Saartay Xaalada Cakiran Ee Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed.

Share

sawir
Wed 07 November 2018.

Xafiiska Qaramada Midoobaay ee dalka Soomaaliya(UNSOM) ayaa War-Saxaafadeed uu soo saartay ayaa loogu baaqday qeybaha kala duwan ee siyaasada Koofurgalbeed in ay xaqiijiyaan sidii loogu qaban lahaa doorashada iyadoo la raacayo shuruucda lagu heshiiyay.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midooobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Hayson ayaa ku sheegay war saxaafadeedka

“Doorashadan waa mid kamid ah doorashooyin ka dhici doona dalka kuwaasoo isugu jira heer dowlad goboleed iyo mid Federalba 2020 ugu horeeyay ee laga qabo dalka, waxaa looga baahan yahay inay u dhacdo si nabad ah oo hufnaan leh.”

“Waxaan hoosta ka xariiqayaa in beesha caalamka ay sidan oo kale ay bishii November 2016 ay Soomaalida ugu baaqday in la xaqiijiyo qeybaha kala duwan ee siyaasadda sidii ay doorashada xilliga ugu dhici lahayd si wanaagsan.”ayuu sii raaciyay Haysom.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in iyadoo lala kaashanayo oday hogaamiyaasha dhaqanka in xal loo helo iyadoo la wadahadlayo sidii doorashadu ay u qabsoomi lahayd si nabad ah.

Baarlamaanka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 17ka bishan ay doortaan Madaxweyne halka doorashooyin la mid ahna ay ka dhici doonaan Puntland iyo Jubaland sanadka 2019.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines