Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Guusha Xisbiga Dimuqraaddiga Oo Dhabar Jab ku Noqotay Madaxwayne Donald Trump

Share
  

sawir
Wed 07 November 2018.

Xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka ayaa la wareegay aqlabiyadda aqalka wakiillada ee loogu tartamay doorashadii xilliga dhexe, taasoo dhabar jab ku noqonaysa madaxweyne Donald Trump.

La wareegista maamulka aqalka hoose ee Koongareeska oo noqotay markii ugu horreysay muddo 8 sano ah waxay xisbiga Dimuqraaddiga u sahleysaa iney fashiliyaan qorsheyaasha madaxweynaha.

Hase ahaatee xisbiga Mr Trump ayaa la filayaa iney xajistaan awoodda ay ku leeyihiin aqalka odayaasha ee Senete-ka.

Doorashadii dhacday shalay oo Talaado ahayd ayaa loo arkay mid afti u ah awoodda maamul ee madaxweynaha, inkastoo uusan doorasho u taagneyn tan iyo sannadka 2020-ka.

Natiijada doorashada ayaa xaqiijisay guul taariikhi ah oo ay doorashada xilliga dhexe ka soo hooyeen xisbiga aan heynin maamulka Aqalka Cad.

Hogaamiyaha aqalka ee xisbiga Dimuqraaddiga Nancy Pelosi, oo lagu wado iney noqoto afhayeen, xilkaasna heysay tan iyo sannadkii 2007-dii, ayaa iyadoo taageerayaasha kula damaashaadeysa magaalada Washington waxay tiri "Waad mahadsantihiin, wuxuu waa cusub u baryayaa Mareykanka".

Madaxweyne Trump ayaa doorashada diiradda ku saaray aqalka Senete-ka, wuxuuna isku amaanay dadaalka uu sameeyay.

Muxuu yahay tartanka ka socda aqalka hoose?

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa ka faa'iideystay hadallada qallafsan ee uu Trump uga soo horjeeday dadka soo galootiga ah, waxayna guul ka gaareen doorashadii ugu horreysay ee ka dhacday guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay marka uu madaxweyne Trump xilka qabtay 2 sano ka hor.

Dimuqraaddigu waxay aqlabiyadda aqalka la wareegeen markii ay heleen wax ka badan 23-kii cod ee ay doonayeen si ay ula wareegaan maamulka aqalka hoose ee Koongareeska.

Shacabka Mareykanka ayaa u codeeyay dhammaan kuraasta aqalkaasi oo ay tiradooda gaareyso 435.

Hadda waxay dimuqraaddigu billaabi karaan baaritaanno ku aaddan sida uu maamulka Trump u maareeyo arrimaha ganacsiga, laga billaabo canshuur celinta ilaa danihiisa ka hor imaanaya howlaha ganacsi ee qaranka.

Waxay sidoo kale awood dheeraad ah u heli karaan iney is hor taagaan qorsheyaashiisa dhinaca sharciga, oo uu ka mid yahay ballan qaadkiisa ku aaddan in darbi laga dhisi doono xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico.

Murashaxiinta haweenka ah ayaa guulo ka soo hooyay doorashadan oo loo aqoonsaday sannadkii dumarka.

Labo gabdhood oo ay da'doodu tahay 29 sano, oo lagu kala magacaabo Ocasio-Cortez iyo Abby Finkenauer, kana tirsan Dimuqraaddiga ayaa lagu wadaa iney noqdaan xildhibaannadii ugu da'da yaraa ee abid qeyb ka noqda mudaneyaasha aqalka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines