Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Imaaraadka Carabta oo Saldhigga Milatariga Berbera furaya bisha June 2019.

Share
  

sawir
Wed 07 November 2018.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in saldhiga Milatari oo uu ka dhisayo magaalada Berbera si rasmi ah loo furi doono bisha June ee sanadka soo socda.

Saldhiggan ayaa howlaha uu qabanayo waxaa ka mid ah in lagu xirayo qalab laga ilaalin karo Marinka Bab el-Mandeb taasoo ah waddo ay maraan maraakiibta shidaalka iyo kuwa xamuulka ee ku sii jeeda Kanaalka Suez.

Fariisimaha Imaaraadka ee Somaliland iyo Eritrea ayaa waxaa  ay  muhiim u yihiin taageerida isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudiga ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ee mucaaradka ku ah dowlada Yemen.

“Saldhigga Milatariga Imaaraadka Carabta waxa ay ka caawin doonaan gobolka ka hortagida burcad badeeda,kalluumeysiga sharci darada ah iyo in lagu daadiyo qashinka warshadaha xeebaheena.”ayuu yiri Baashe Cawil Cumar.

Saldhiggan ayaa baaxadiisu waxa ay gaareysaa 42km oo labo jibaaran  waxana uu leeyahay meel ay ku soo xiran karaan maraakiibta dagaalka ayna ka soo degi karaan diyaaradaha



35 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines