Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Buugii Xirsi 2 khiyaamo qaran ah 2 taariikhood oo uu Reer Awdal ka dhacey , mid uu ku degdegay iyo mida ku kaliftay qormada Buugan !! Dr.khadar-Libaaxley.

Share

sawir
Fri 02 November 2018.

+ ++++++++++++Mida ku kaliftay qormada Buugan Xirsi +++++++++++++++++++

 

1. Dhab ahaan tamarta qarxisay ee ku kaliftay in uu xirsi Buugan qoro waxa ay aheyd in uu Bulshada reer somaliland iyo aduunkaba u sheego in uu isagu ( waa xirsiye uu ahaa madaxweynaha dhabta ah , isla-markaan ay la noqotay in uu sheegto wixii uu guulo u arkaayey ) daliil cad waxa taas u ah 1) Buugiisa ka kooban in kabadan 400 ee bog , bog kasta waxa oo aad akhrido waxa ku jirta ugu yaraan ( 1-3 jeer oo uu ku dhex Baanaayo, Bad-baado sameyn tirinaayo, Guulo horseed tirsanaayo , faan iyo tookh badan intaba isaga oo marwalba isticmaalaaya erayga ANIGA ayaa sidaa sameeyey, ANIGA ayaa sidaa iyo sidan farey) 2. Sheegida uu sheegay Xaalada nusqaanta caafimaad ah ee uu madaxweyne siilaanyo ku tilmaamey Nin aan xasuus la heyn oo aan tallo dal iyo dad midna lagu haleyn karin iyo miciinsiga la baday xirsi horaantii horaba 3) Magaca Buugiisa oo kuu tilmaamaya hadaf iyo himilo uu gaadhey oo mudnaatay in uu sheeg-sheegoh; waxaasoo dhamina waa khiyaamo qaran , gaf iyo gardaro fool-xun oo ka galey macalinkiisii soo jara-barey ee dugsiga siyaasada ku soo darey iyo dhamaan ummada reer somaliland.

 

+++++++++++++Mida uu xirsi ku deg-degay :+++++++++++++++++

 

2. Buugani haba qoro balse may aheyn xeer iyo xaagaan midna in uu wakhtigan soo bandhigo sababtoo ah ( illaahay ba ummadihii hore marka uu ka kitaabkiisa kaga sheekaynayo shar iyo khayr waxay la haayeen ba, xilligan uu inooga sheekaynayo cid kasta oo dhacdooyinka soo dhacay la xidhiidha majoogaan oo waxba kama noola xilligan Nabi MAXAMED iyo ummadiisa looga waramaayo ; si lamid ah arintan waxa fahmey reer galbeedka sidaa daraadeedna xogaha wax ku oolka ah ee ku saabsan siyaasad, dawlada ee ummada ma faafiyaan illaa ay ka soo wareegto 50,70, ama 100 sano kadib , sida inagaba xogihii ingiriisku somaliland ka qorey ee dhan walba la haa faafintooda waxa uu illaa hada innaga iyo dunida la wadaagey faafintooda qaybo ka mid ah xogahaasi illaa imikana wali qaar baanu faafin, sidaa daraadeed xilligan dhaw ee sanad kadib in uu xirsi ka qoro buug xajiin badan leh iyadoo wali isla xisbigii , dawladii, madaxdeedii iyo dhamaan cidkasta oo uu buugani khuseeyo ay wada noolyihiin in uu Buugan faafiyo , sidaa daraadeed wakhtigan ma hobooneyn soo bandhigida iyo faafinta Buugan , waa gef iyo qallad-weyn oo taariikhda iyo ummadaba laga galey, sidaa daraadeedna anshax marin ayuu mudanyahay.

 

++++Taariikhaha uu xirsi Gobolka Awdal ka dhacay ee Buugiisa ku darsadey :++++

 

3. Gobolka Awdal waxa uu xirsi ka dhacay taariikhda, fikirka, hindisaha iyo hal-abuurka aasaasida iyo ku dhiirashada dhismaha wadooyin LAAMEY AH iyadoo dalka iyo dadkuba riyo aan suurta gal aheyn u haystaan suuragalnimada dhismaha wadooyin bulshadu adeegsato, heerka ay hal-abuurka fikirkan ka gaadheen reer Awdal waxa daliil u ah ( yag-leelida dhismaha Hay’ada Wadooyinka ee ASARDA magaceeda loo soo gaabiyo oo ilaa xilligii madaxweyne Daahir Rayaale la aasaasey iyada oon meelna somaliland iyo somalia toona hamigaasi aan haabkaba lagu haynin si lamid ah aasaasida Jaamacada Camuud xilli dadku naftooda iyo Nabad galyadooda u war-warayaan; ugu yaraan xirsi xataa in uu soo bili-liqaystay hidisahan iyo fikirkan waxa daliil cad u ah ; Gudoomiyihii udamabeeyey xasan ee hay’ada dhismaha wadooyinka Awdal iyo Salal ee ASARDA iyo engineer kii hay’ada ina sheekh Cali-Jawhar ee wadada Ceerigaabo illaa Burco isku xidhana sameeyey waa raggii qayb ka ahaa hidisaha fikirkan iyo hirgalintiisaba horeyna u soo Hirgaliyey Jidka isku xidha eri-boodhka Borama illaa Jaamaca Camuud, markii xigtayna Jidka isku Xidha Borama illaa Dilla; iyada oo ragii hindisahan la haa badan koodu noolyihiin hirgalida arinkana u adeegsanayeen ( yabooha qaadhaan heer walba leh oo dadweynaha gobolka iyo somaliland ba laga soo ururiyo ) maantana wali isla shaqadii oo Hay’ad dawladeed loo badaley markii la arkay suurta-galnimadeed in ay tahay talaabo iyo tijaabo lagu guuleystay ayuu xirsi la soo indha-cadyahay xishood la’aan darteedna Buugiisa ku xardhay in uu isagu lahaa hindisaha iyo daah ka qaadka fikirkan ; dhaca badheedh la isku dhaco iyo tuugadu kuma koobna oo kaliya alaabta muuqata balse waxaabu kaga badanyahay lunsiga taariikhada guul ku galbatay in degdeg iyo miyir la’aan loo kala gadisto iyadoon cidnaba aan loo aabbo yeelayn iyadood waliba ay ka xigto sumad boobka qofka sameynaaya inta uu tiigsanaayo qalinka iyo xaashida sida xirsiba sameeyey ee uu Buugiisa ku qortay hindisahan aanu meelna u soo marin.

4. waxa kale oo xirsi Gobolka Awdal ka dhacey Buugiisana ku darsadey la haanshaha hindisaha fikirkii ( iskaa wax u qabso oo uu yidhi madaxweyne axmed siilaanyo ayaa lahaa oo bila raflena uu hirgaliyey ) taasi waa been abuurad cad oo taariikhda AWDAL laga galey iyo somaliland ba, waayo hindisaha , haloosiga fikirka iskaa wax u qabso, waxa aasaaskeeda iyo hirgalinteeda intaba la haa meel ay soomaali taaleyba marka la isku geeyo Reer Boon, ee maanta ka tirsan Gobolka Salal , sida xirsi sheegayana maaha ee ku xadeysan dawladii soomaaliya, fikir-kan hindisi hiisu waxa uu ka dhex-curtay waayeelkii iyo wax-garadkii Reer Boon taariikhdu markay aheyd 1947 ; dhalashada fikirkan waxa kaliftay Biyo la’aantii haysatay deegaanka Boon oo meel fog ay u aroori jireen taasi oo food-saar u aheyd dhalashada fikirkan oo ay keeneen gudoomiyihii u horeeyey tuulada Boon ee xilligaa AW Cismaan Waabari , duqeydii kale ee ay ka mid ahaayeen Rooble Xoosh, Caateeye Faahiye, Cilmi Caamir iyo Aw Cali Maasheeye, eray bixinta fikirka iyo hawl-galadiisuna waxa ay a haayeen miyi iyo magaalaba , hal-ku dhiga lagu odhan jirayna aheyd ( jimciyada Ha is-Caawiso ) taasi oo fulisay waxqabadyada ay ugu door roonyihiin ( garoonka diyaarada ee jidhi, baneynta jidka isku xidha Boon illaa Jidhi , Biyo xidheeno, awdista boholaha jeexma, 25 nin oo maanta aaney waxba ka nooleyn ayaa ( fikirkii la yidhaa Ha is-caawiso u badaley jimciyada Ha ha is-caawiso ) fikirkii ayaa markii dambe Borama u soo gudbay oo ay reer Borama laftoodu ku dhisteen iskuulkii Aloog iyo iskuulkii shirweynihii Beelaha somaliland ee Dawladnimada maanta jirta lagu yagleelay ee sheekh Cali Jawhar ) markii arintani shaaca ay qaadey waxa maqley oo yimi Boon Badhasaabkii ingiriiska ee xilligaasi oo Hargaisa ka soo kiciitimay isaga oo uu la socdo gudoomiyihii ingiriiska ee degmada Borama; kulan uu la yeeshay odayadii hindisaha fikirka la haa ayuu ku wargaliyey in uu dhamaantood cuqaal ka dhigaayo taa badal keedana xuquuqda magaca hal-abuurka fikirkan in ay Badhasaabka ku magacaabaan, odayadii wey ka diideen waxaaney u balan qaadeen in ay sheegayaan in uu hawlahooda ka caawiyi jiray , isana uu ku tixgaliyey waanu garab-galey markii dambe isaga oo qalabka farsamada gacanta ku caawiyey ; isla fikirkan ayaa dawladii siyaad bare qaadatay oo dhamaan soomaaliya oo dhan siyaad bare ku faafiyey , heeso badan oo idaacada ka bixi jiray loo tiriyey si bulshada iskaa wax-u qabso loogu guubaabiyo, waxa iskuul walba ku ooli jiray xafiisyadooda iyo iskaa wax u qabso lagu dhiso ( sawirada 25 nin ee Boon ka bilaabay jimciyada Ha is-caawiso ) markaasu xirsi hubsiimo la’aan aayar iska odhanayaa fikirka waxa iska la haa Madaxweyne Axmed Siilaanyo!!! Yaab iyo dhabana hays-weynaa!!! Ma’aha wax loo dul-qaadan karo kufsiga loogeysanayo taariikhaha la kala leeyahay ee maalin ba mid war-mooge ah Qalinka iyo Buuga kula cararaayo.

 

++++++Khiyaamooyinka qaran ee xirsi qoraalka Buuga ku galey :+++++

 

5. Magac bixinta Buuga xirsi ee ah ( Miyi illaa Madaxtooyo ). Sharci ahaan iyo siyaasad ahaan ba waa gefweyn iyo khalad sideeda u yaala oo taariikhda iyo ummadaba aan u cuntamin !! sababtoo ah magaca buugu waxa uu ka marag kacayaa heer nololeed ay ku lifaaqan tahay darajo iyo maqaam sare oo siyaasadeed kaas oo u macno taagan in xirsi x.cali gaadhay heerka u sareeya ee darajada nolosha siyaasiga oo ah ( Madaxweyne ) balse aaney ummadu igmanin isaga oo noloshiisa ka soo bilaabey miiga/ baadiyaha; sharciyan milgaha iyo xaqa erayga madaxtooyo sumadeeda , darajadeeda iyo faankeedaba waxa ku magac tagi kara oo kaliya cida ummadu u dooratay , Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen; sidaa daraadeed xirsi halkaa waa ku qabsade dafiraaya cidii xaqa u la heyd milgaha sumadan waxaanu mudanyahay anshax marin.

6. si dhaw isku weydii sababta uu madaxweynuhu isku casilaayey dhab ahaan waa xaalad caafimaad daro !! Xasuusta oo Madaxweynaha ku yaraata heer uu isaguba ku qancay , go’aana ku gaadhey in uu is-casilo balse xubno qoyskiisa ka mid ah ka af-qabteen is-casilaadaasi dhici la heyd sida Xirsi Buugiisa ku cadeeyey xaqiiqatan taasi waa ( iin ama nusqaan u macno taagan xaalad caafimaad daro oo dhanka Xasuusta Madaxweynaha la soo daristay isla billihii u horeeyey meesiga mudo xilleedka Madaxweyne Axmed Siilaanyo) hadii go’aanka iyo rabitaanka madaxweynaha sideeda loo fulin la haa , Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan M. Aadan ayuu darstuurku siinayaa in uu Xilka madaxweyne sii wadi lahaa illaa doorasho kadib ; Xirsi X.Cali iyo maxamuud xaashiba khiyaamo qaran ayey dalka ka galeen , maadaama ay xoojiyeen af-ka qabadkii iscasilaada madaxweynaha sabab caafimaad darteed, kana horyimaadeen rabitaankiisii, isla markaana sida uu xirsi buugiisku ku sheegay in ay hortimid isaga iyo kooxdiisa fursad ay ku dukaansadaan tallada dalka ee aan loo dooranin iyaga oo door bidaya daneysi dhuuxeysan oo ay u isticmaalaan haybada madaxweynaha hab-dhaqanka loo yaqaano ( Bir-sol ) oo ah neefka xoolaha ah hadii la asiibo in birta la mariyo/ la gawraco si hilbaha looga faa’ideeyo reerkii neefka la haa, oo looga maanaco in hilbaha la siiyo dugaaga.

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

11/1/2018.

 

 

 



48 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines

09:04am, Thu 15 November 2018