Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxweyne ii magacaw wakiil ka somaliland u fadhiya somalia-Muqdisho 2 sababood oo muhiimad iyo mudnaantooda leh dartood !! Dr.khadar-Libaaxley.

Share

sawir
Sat 18 August 2018.

Muhiimad ay leeyihiin ba’ Waa hubaal in jamhuuriyada somaliland walkiilo noqon-doona safiiro ku leedahay wadamo badan oo si togan ugu naaloonaya xornimo iyo madax-banaani buuxda, kuwaasi oo ay mid yihiin dalalka dariska aynu nahay ee ay ka mid-yihiin ( itoobiya- dhanka galbeed, Djabuuti –dhanka waqooyi iyo yemen dhanka waqooyi bariga bada cas ); kas iyo kama’a mid ay tahay ba’ hubaal weyn waxa ah dhanka koon fureed ee soomaaliya ee caasimadeedu tahay muqdisho 27 sanno ee u dambeeyey haba yaraate e’ somaliland wax wakiil ah oo muuqda kumey lahayn muqdisho/xamar iyada oo xaqiiqda iyo duruufta jirta ee dhabta ah tahay samaliland in ay baahi weyn oo baahida koowaad ah u qabto wakiil danaha somaliland iyo dadkeeda uga muraad fuliya caasimada somalia ee xamar; danahaasi dhinacyada badan oo ay ka mid tahay danaha masiiriga ah ee mustaqbal ee dadka iyo dalkuba baahiweyn u qabaan balse dhamaantood danahaasi maanta ay u laalanyihiin la’aanta wakiil kii xidhiidhin lahaa arimaha iyo danaha dhinacyada badan ee labada dal iyo dadkoodu kala leeyihiin.

 

Muhiimad intee leeg ayuu yeelan lahaa wakiil somaliland u magacowdo somalia iyo suurtagalnimada?

 

1. madaama reer somaliland 97% rabaan in ay madax-banaanidoodi 1960 somalia ku luntay dib ulla soo noqdaa waxa ay u baahantahay adeegsiga hab siyaasadeed ku dhisan miyir-qab ama deganaan lagu qaadi karo masuuliyada xaqa istixgalinta, nabad isugu barbar noolaashaha, iskaashiga dhaqaalaha , isdhex-galka iyo isku socodka bulshooyinka somaliland iyo somalia iyada oo ay reeban tahay ismoodsiiska xaqa qadiyadaha kala jiritaanka labada shacab iyo labada dal , dhanka kalena aan la hilmaameyn is-jaceylka guud ee isirka soomaalinimo; intan iyo dheeraad dhamaantood waa baahiyo aassaasiya oo dhan walba ay adagtahay in uu ka wada maarmi karo, sidaa daraadeed waa muhiimad aaney ka mudneyn mid kale, waa muhiimado isku xidh toos ah u baahan oo ay tahay in xukuumada somaliland wakiil xidhiidh buuxa oo rasmiya u samaaya u magacowdo xamar caasimada somalia si uu u fuliyo danaha aasaasiga u ah ee labada dhan.

2. Hadal waa run kama rays Dawlada Somaliland cida dhabta ah ee ay rabto in ay kala soo noqoto madax-banaanideedu waa ( Somalia ) cida dani ay dhibayso ee wax ka maqanyihiin waliba dan masiiri ah ( ictiraaf ) waa Somaliland; sidaa daraadeed somaliland waxa la gudboon si ay danteeda u gaadho, oo ay ku gaadho hab toggan oo aan turxaan iyo xag-xagasho ay iska dhawrayso waa in ay ka shaqeysaa dhismaha iyo danaha somalia iyo ta somaliland intuba sidii ay u meel mari lahaayeen; oo caasimada Hargaisa lagu dhakhtariyo, baanto , dhayo dhamaan iimaha iyo dhaawacyada siyaasadeed ee marwalba ragaadinaya somalia iyo dawlad-gobleedyadeeda si loo gaadho kala gurashada somaliland iyo somalia oo u midab eeg ODAY iyo WIIL kiisii oo aroos ah oo wiil ku soo barbar degay reerkii Aabbihii tacabka iyo taageerada is-gargaarsi iyo dareemada wada toggan ee u dhexeeya wiilka iyo reerkooda mid la mida bandhigii waa muhiimad iyo mudnaan u baahan fahmo sare, bisayl, caadifad la’aan iyo curfi abuur taasi oo somaliland iyo somalia ba masuuliyiintooda xilli la joogaba waajib iyo masuuliyad kor kooda saaran ku ah; sidaa daraadeed si arimahaasi u hirgalaan xukuumada somaliland waxa la gudboon bilaabida xidhiidh kaasi mudan iyo magacaabida wakiilkaasi iyo waliba gudi dhexe oo xoghayn u ah marwalba xukuumadaha isbed-bedalaya iyo wadahadalahada somaliland iyo somalia.

 

Gunaanad:

Waxa aan tabayaa oo aan u arkaa Magacaabida wakiil isku xidha somaliland iyo somalia wakhtigan la joogo maanta in somaliland baahi weyn ay u qabto marka la eego siyaasada arimaha dibada, haani gun bay ka tollan taaye waa muhiimad faham keeda u baahan iyo qiimaha ay leedahay darteed, waa mudnaanta koowaad iyo bu’da guulaha iyo galad gaagaxsan laga bilaabi karo ee furaha u ah; waxa aan rajeynayaa sida ay wax iigu muuqdaan si ka sii fiican in xukuumadu u qiimeyso muhiimadaasi, waan hubaa in oo ay muuqataa in xukuumada xamar ay ku adagtahay in ay aqbasho wakiil somaliland xamar u soo fadhiista, muhiimadu se waxa ay tahay ( ma nidhi wali ? ) somaliland waa waajib la gudboon oo kuf-keeda ah isla markaana u fudud ku dhiirashada hirgalinta arinkani balse dhanka somalia ma’aha arin la gudboon xilligan; hadii xukuumada somalia ay xidhiidhkaa dab-cas ka bixiso fal-darada arintaasi waxa markhaati ka noqon doona dunida inteeda kale ee samaha iyo wanaaga jecel suraagalna ay noqoto in somaliland ku kasbato dhibco dheeriya oo dhanka dawladaha kale uga soo kordha .

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

8/16/2018.

 



13 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines

09:04am, Thu 15 November 2018