Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xukuumada Somaliya Oo Ansixisay ka mid Noqoshada Axdiga Qaramada Midoobay Ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.



Thu 20 September 2018.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, kaasoo golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Aadan Isxaaq ayaa sheegay in shirka lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta Qaramada Midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines