Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada NISA Oo Muqdisho ku Qabtay Xubno ka Ttirsan Amniyaadka Al-Shabaab.



Thu 20 September 2018.

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxay ku qabteen xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu qoray bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in labo shaqsi oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab lagu qabtay degmada Dharkeenley.

Howlgalkan ayaa la sheegay in aanay jirin cid wax ku noqotay, waxaana uu ka mid ahaa howlgallo taxano ah oo Hey’adda NISA warbixinadiisa ku soo bandhigeysay bogga Twitter-ka.

Inta badan howl galada NISA ayaa ah kuwo qarsoodi ah oo warbixinada laga soo saaro ay kooban yihiin.



19 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines