Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dadwaynaha Gobolka Sool Oo Shaki ka Muujiyay Isticmaalka Darmuus-yada Shaaha Lagu Shubto.



Wed 19 September 2018.

Boqolaal talaagadood ayaa lagu burburiyay degaanmo kala duwan oo gobolka Sool ka mid ah ka dib markii la sheegay in cudurka Kansarka lagu faafinayo.

Arintan ayaa ka bilaabantay muuqaalo iyo qoraalo lagu faafiyey baraha bulshada oo ka digaya isticmaalida qaar ka mid ah talaagadaha kulaylka kaydiya.

"Waxaan furay 48 talaagadood waxaana ka soo saaray sadex xabo oo kiniin ah oo qolofka iyo quraarada u dhexeeya, mana garanayno waxa ay u qabanayso" sida uu sheegay Ismaaciil Yuusuf Kaalfooto oo bare ka ah dugsiga god'aalo ee degmada Taleex.

Sidoo kala magaalada Laascaanood ayaa dad badan ay baabiiyey talaagadaha iyagoo sheegay in aanay dib u istiaali doonin.

Arintan ayaa dalalka carabta qaarkood si aad ah loo hadal hayaa iyadoo dalka Cumaan uu dhowaan mamnuucay talaagadaha lagu farsameeyo dalka Shiinaha taas oo dadka ganacsiga ku xeeldheer ay ku fasireen in ay tahay xiisada dagaalka dhaqaale ee dalka Shiinaha lagula jiro.

Ma jirto cid si dhab ah uga waranta xaladan caafimaad ee ka dhalan karta isticmaalka talaagadaha madaama ilaa iyo hadda aan jirin baadhitaano lagu sameeyay.



19 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines