Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Faahfaahin Laga Helay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Hoose Ee Boorama Oo Loo Xidhxidhay Musuqmaasuq.



Wed 19 September 2018.

Ciidamada Booliska ee Gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabay Agaasimaha Waaxda mashaariicda ee Dawladda Hoose ee Magaalada Boorama oo lagu magacaabo Axmednuur Maxamuud Xasan

Xadhiga Agaasimihii Waaxda mashaariicda Axmednuur Maxamuud Xasan ee Dawladda Hoose ee Magaaladda Boorama ayaa waxa amarkeeda Bixiyay Hanti dhawrka guud, kuwaas oo baadhitaan ku sameeyay Musuqmaasuq Baahsan oo ka dhacay Dawlada Hoose ee Boorama.

Warkan oo ay shabakada wararka ee Awdalmedia.com heshay ayaa sheegaya in mashruuc biyo gelin ah oo ay dawladda hoose ka qaadatay Hay’adda UNICEF la helay dhaqaalihii ku baxayay loo sameeyay Voucher been abuur ah.

Warqada lacag qabashada iyo shaanbada ayaa waxa uu warku intaasi ku daraya in laga soo minguuriyay Xarunta biyaha ee Shaba, taas oo ay lacagtii ku hagaajiyeen hay’adda UNICEF.

Shaba ayaa u sheegtay Hantidhawrka u sheegtay in aanay garanayn lacagtan, iyo waraaqaha la socda, waxaanay shaki badan ka dhex abuurtay masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Magaaladda Boorama.

Masuuliyiintii ka socotay xafiiska Hanta dhawrka guud ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Hargaysa, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu soo noqon doonaan baadhitaanadii ay ka wadeen xarunta dawlada hoose ee Boorama,iyadoo shaki badan laga qabo in ay jiraan hanta kale oo la leexsaday.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in hantidhawrku ay habeenimadii xalay su,aalo waydiiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Boorama oo la sheegay inay fari ku godan tahay, iyadoo ay jiraan masuuliyiin kale oo lagu daba jiro.



17 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines