Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Loogu Baaqay Inuu Is casilo.(Sawiro)



Sat 18 August 2018.

Shir ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Buula-burte ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Hirshabeelle in uu is casilo, kadib markii uu ku fashilmay hogaaminta maamulka Hirshabelle.
Deeq Xeydar oo ka mid ahaa Dadkii ka hadlay Shirka ayaa Sheegay in Madaxweyne Waare uu rabo in meesha laga saaro Beesha Baadicade waxa uuna Xilka Gudoomiyaha Buulo-burte u magacaabah nin ay qaraabo hoose yihiin.
- Advertisement -

Maxamed Cabdiraxman Cabdi Jeelle ayaa ku baaqay in Maxkamad Caalami ah la soo taago Maxamed Cabdi Waare oo abaabulay iska horkeenidda beelaha,waxa uuna ku tilmaamay Hogaamiye kooxeed rabo in uu dhaco qof walbo oo soo jeeda.

Waxaa soo badanaya Cabashada iyo kalsooni kala laabashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo muddo ka yar Sanad ku Mashquulsan isku dirka beelaha.

Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo magaalada Jowhar Shir Jaraa’id ku qabtay ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare in uu Iscasilo, waxa ayna ku eedeeyeen nin jecleysi iyo musuq maasuq.



36 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines