Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Midowga Afrika Oo Amisom ku Bogaadiyay ka Bixitaanka Garoonka Stadium Muqdisho.



Thu 16 August 2018.

Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay Ciidankoodu ugu saarayaan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ku sheegay inuu ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto Gacanta Soomaaliyeed.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billaabay Sacadihii la soo dhaafay in ay ka guuraan Garoonka Stadium Muqdisho, kaas oo muddo ka badan 10 Sano fariisin u ahaa.

Garoonka ayaa la dhisay Sanaddii 1978-dii, kaas oo lagu qabsan jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Stadium Muqdisho ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay sababeen dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, waxaana tallaabadan ay kaga baxayaan Ciidanka AMISOM aad ugu riyaaqay bahda Sportiga iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. waxaana horay u balan qaaday inuu gacanta wasaarada isboortiga kusoo noqonaayo stadium ku RW Khayre waxaana muuqata inuu fulay balan qaadkii.



41 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines