Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ururka Taalibaan Oo Kalsoonidii kala Noqday Hay’adda Laanqayrta cas.



Wed 15 August 2018.

Ururka Taalibaan waxay sheegeen inaysan marnaba u ogolaaynin shaqaalaha ha’ayadda laanqayrta cas inay ka shaqeeyaan gudaha dalka Afqanistaan.

Maleeshiyaadka Taalibaan ayaa ku eedeeyay shaqaalaha hay’adda laanqayta cas inay ku guuldaraysteen inay gutaan howshii loo igmaday oo ah caawinta maxaabista Taaliban ee ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Kabul.

Ha’yadda ICRC ayaa dusha kala socotaa xaaladda dadka ku xiran xabsiyada Afqanistaan, waxayna sidoo kale siisa deeq dawo ah.

Tirada shaqaalaha ha’yadda laanqayrta cas ee ka howlgala Afqanistaan ayaa hoos u dhacay kaddib markii 7 kamid ah shaqaalaheeda sannadkii tegay lagu dilay halkaasi.

Afahayeen u hadlay ha’ayadda caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa sheegay inay xiriir dhaw la yeelanayaan Taalibaan islamarkaasna ay ku rajo wayn yihiin inay helaan xal ah sidii hay’adda ay uga sii shaqayn lahayd Afqanistaan.



44 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines