Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Milatariga Oo Sheegay in Howlgalo ku Dileen Xubno ka Tirsan Al-Shabaab.



Wed 15 August 2018.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa ka warbixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Dhexe.

 

Abaanduulaha qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay idaacada ku hadasha afka Ciidamada xoogga ayaa sheegay in howlgalka Ciidamadu fuliyeen ay ku dileen afar sarkaal iyo todobo maleeshiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay isticmaalayeen, lana burburiyay saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaanka Muuse Xaaji iyo agagaarka deegaanka Araare.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah oo taageero ka helaya diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Dhinaca kale howl galkii Ciidamada kumaandooska Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ka sameeyeen deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta afka Ciidamada ku hadasha u sheegay in howl galka ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka degan Tuulooyin ku dhow dhow degmada Balcad ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo loo maleynayo inay fulisay diyaarad dagaal.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay guulo ka sheeganayay dagaalo iyo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu qaadayay saldhigyo ay ku leeyihiin Gobolada.



52 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines