Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qarax Lagu Dilay Shaqaalaha ka Howl-gala Darbiga ay Kenya ka Dhiseyso Xuduudda Somaliya.



Mon 13 August 2018.

Saddex qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii ay ku qaraxday miinada dhulka lagu aaso gaari ay saarnaayeen qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl-gala darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya oo marayay duleedka magaalada Mandheera.

Qaraxan ayaa yimid markii gaari ay wateen shaqaalaha uu dul maray Miino nooca Dhulka lagu aasa ah.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Mandheera Paul Kemei ayaa sheegay in dadka qaraxan wax ku noqday ay ahaayeen shaqaale nadiifinayay wado ku dhow xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

Mr, Kemei, ayaa intaa raaciyay in qaraxan uu ahaa mid meesha lagu sii diyaariyay ay uga shakisan yihiin in ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

Kooxda weerarkan wax ku noqotay ayaa la sheegay inaysan la socon ciidamo ilaalo ah, hase yeeshee Mr Kemei ayaa sheegay in ay baarayaan sababta shaqaalahan ay u socdeen iyadoo aan ilaalo lahayn.

Tan iyo markii dowlada Kenya ay ku dhowaaqday qorshaha ay uga dhiseyso darbiga xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo dalkeeda ayaa waxaa weeraro ugaga imanayay dadka deegaanka iyo ururka Alshabaab.



45 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines