Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Doon ay Saarnaayeen 160 Qof Oo Somali Iyo Itoobiyaan ah Oo ku Degtay Xeebaha Dalka Yemen.



Sat 21 July 2018.

Dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in Doon sida 160 ay ku degtay xeebaha Badda Shadwa ee Koonfur dalkaasi Yemen, sida laga soo xigtay hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo hay’addaha Amniga deegaankaas.

Lama oga tirsada rasmiga ah ee dhimashada iyo haddi ay jiraanba muhaajiriin lasoo badbaadiyay, sida ay ku warameeyso Wakaalada Wararka ee AP.

Doonta ayaa la sheegay in Khamiistii ka baxday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyada oo sida 100 ruux oo Soomaali ah iyo 60 ruux oo Itoobiyaan ah, oo ay ka mid yihiin Caruur iyo Haween.

Saraakiishan la hadlay AP oo diiday in magacooda la adeegsado ayaa sheegay in uusan jirin gurmad ka howl-galay sidii dadka loo soo badbaadin lahaa.

Muhaajiriinta ka baxa qaarada Africa gaar ahaan dadka u dhashay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marin ka sii dhigtay dalka Yemen oo ay hadda ka jiraan dagaalo culus galaaftay nolasha dad badan.



66 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines