Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Waraabe Weerar Culus Ku Haya Dadka Deegaanka Cabdi Geedi Ee Lughaya Oo Uu Tiro Dad ah ku Cunay.



Sat 21 July 2018.

Wiil 8-jir ah oo Magaciisa lagu sheegay Yaxye Cabdilaahi Xuseen ayuu waraabe habeen hore ku cunay Deegaanka Cabdi Geedi ee ka tirsan Degamada Lughaya,kaasi oo markii dambe laga soo riday Dhurwaagii qaatay islamarkaana isagoo dhaawac halis ah qaba loola cararay Dhinaca Dalka Jabuuti oo uu markii dambe ku geeriyooday,sida uu mayarka Degmada Lughay Mud. Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood u sheegay Shabakada Awdalmedia inuu wiilkaasi yahay kii Afraad ee uu Xayawaanka Waraabuhu sanadkan oo ku cunay deegaanada Degmadaasi.

Xayawaanka Dibad Galeenka ah ee Waraabaha ayaa sanadkii u dambeeyay faro baas ku haya Dadka ku dhaqan Deegaanka Cabdi Geedi,waxaanay dadka Deegaankaasi qaylo dhaan u soo dirsadeen Xukuumadda si looga soo gurmado Waraabahaasi oo ay sheegeen inuu maalmaha qaar uu si toos ah weerar ugu soo qaado,waxa ay Walaac ka muujiyeen in Waraabahani uu bartay Hilibka dadka islamarkaana uu ku soo haliilayo oo aanu xiitaa ku leexanayn Xoolaha.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in sanadkan dhexdiisa waraabahan Afar Ruux ku cunay Deegaanka Cabdi Geedi yo deegaanada bariga Lughaya islamarkaana ay khaati ka taagan yihiin,iyagoo xusay inaysan haysan wax ay iskaga caabiyaan.



73 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines