Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mashruuca Tareenka Kenya Oo Galay Qasaarihii Ugu Waynaa Oo Dhan 100 Maliyan Oo Dollar ah.



Wed 18 July 2018.

Mashruuca daahfurka tareenada Kenya ayaa sheegay inay galeen khaasaare gaaraya 100 milyan oo doolar sannadkii ugu horreeyay uu howlgala tareenka casriga, sida laga soo xigtay wasaaradda gaadidka ee Kenya.

 

Bangi ku yaalla Shiinaha ayaa bixiyay lacagta lagu maalgeliyay dhisitaanka tareenka magaalada Mombasa ilaa Nairobi, waxayna gaaraysay 3 bilyan oo doolar. Lacagtaa ayaa Kenya laga sugaya inay dib ugubixiso muddo 15 sanno ah.

Wasiirka gaadidka Kenya James Macharia ayaa guddi baarlamaani ah u sheegay in dowladda hadda ay kulan la qaadanayso shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ku aadan sidii tareenka uu noqon lahaa mid si wanaagsan u shaqeeyo oo ay ganacsatada isticmaalaan tareenka.

Sannadka dambe ayay Kenya billaabaysa inay dib u bixiso lacagaha daynta. Dowladda Kenya waxay ku rajo wayn tahay in tareenka faa’ido laga heli doono sannadka nagu soo aadan.



46 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines