Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Venezuela Oo Sheegay Inay Afrika ku Guulaysatay Koobka Adduunka.



Tue 17 July 2018.

madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa khudbad uu kajeediyay Telefeshinka dawladda ka sheegay ianay Afrika Koobka Aduunka u qaaday Faransiiska,sidoo kale ayaa madaxwaynaha daladaha Yurub ugu baaqay in ay joojiyaan faquuqa ka dhanka ah dadka soo galootiga ah.

Madaxwayne Nicolas Maduro oo la hadlayay dadka magaalada Caracas ayaa waxa uu yidhi:

"Xulka Faransiiska ayaa ku guulaystay, inkastoo ay u ekayd in Afrika ay ku guulaysatay. Xaqiiqatan Afrika ayaa ku guulaysatay waana Afrikaankii soo galootiga ah ahaa ee Faransiiska tagay. Waxaan rajaynayaa in Fariintaas ay Yurub gaarto," hala joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afriko ka dhanka ah

Madaxwaynaha oo hadalkisa sii wata ayaa ku baaqay in la joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afrika ka dhanka ah, hala joojiyo cunsurinimada ka dhanka ah dadka soogalootiga ah"

Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka kaga badiyay Croatia 4-2.

Xulka Faransiiska oo 23 ciyaartoy ka koobnaana 15 ka mid ah wuxuu faracoodu ka soo jeedaa Afrika, waxayna u badan yihiin dalalkii uu Faransiisku gumaystay.



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines