Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dad Careysan Oo laayay 300- Oo Yaxaas ku Dilay Dalka Indonesia(Sawirada)



Mon 16 July 2018.

Dad careesan oo kunool deegaan kuyaala gobolka West Papua ee dalka Indonesia ayaa laayay 300- oo Yaxaas oo ku xareesnaa goob lagu xanaaneeyo sida ay xaqiijieen saraakiil katirsan booliiska Indonesia.

Dadka laayay Yaxaasyada tirada badan ayaa la sheegay in ay ficilkaasi u sameeyeen aargoosi kadib markii mid kamid ah Yaxaasyadaasi uu dilay nin kamid ah dadka kunool deegaankaasi.

Saraakiisha booliiska gobolka West Papua ayaa sheegay in ay awoodi waayeen in dadka careesan ka hortagaan kana bad baadiyaan yaxaasyada, waxa ayna xuseen in hada diyaarinayaan dacwad ka dhan ah dadkaasi.

Madaxa khayraadka dabiiciga ah iyo ilaalada duurjoogta ee gobolka West Papua ayaa sheegay in ficilkaan aargoosiga ee lagu laayay Yaxaasyada uu ka dhashay Yaxaas cunay mid kamid ah dadka kunoolaa deegaanka falkan uu ka dhacay.

Dadka Yaxaasyada laayay ayaa la sheegay in xiliga ay weerarka qaadayeen ay kasoo laabteen aaska ninka ay dileen Yaxaasyada, waxa ayna dadka ku hubeesnaayeen faasas, mindiyo iyo budad ay u adeegsadeen dilalka Yaxaasyada.

Dalka Indonesian waxaa dambi ka ah in qofka uu dilo xayawaanada ku jira goobaha lagu xanaaneeyo, waxaana uu qofkii dila xayawaan ku jira goob lagu xanaaneeyo uu wajahi karaa ganaaxo ama in xabsi .



69 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines