Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Trump iyo Putin Oo Shir Uga Bilowday Magaalada Helsinki.



Mon 16 July 2018.

Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo Ruushka Putin ayaa ku kulmay magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki iyagoo ka wadahadalaya  arrimo ay ka mid yihiin Milatariga iyo Ganacsiga.

 

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa bilowgii shirweynahan waxa uu u sheegay Trump in uu bilowday waqtigii labada dhinac ay ka wadahadli lahaayeen arrimo badan oo ku saabsan caalamka.

Trump ayaa sidoo kale uga mahadceliyay madaxweyne Putin guusha uu ka gaaray qabashada tartanka ciyaaraha adduunka ee shalay la soo gabagabeeyay.

Waxana uu Trump sheegay in kulankan uu ku saabsan yahay arrimaha ganacsiga, milatariga, gantaalada,hubka Niyukliyerka iyo arrimo ku saabsan dalka Shiinaha.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo sidoo kale xusay in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayay.

“Anigoo si saaxibtinimo ah u hadlaya,sanadihii la soo dhaafay si wanaagsan ayaan isula soconay, waxaan filayaa in dunida ay dooneyso in ay arkaan annagoo is fahmayna, waxaanu nahay labada dal ee leh awooda ugu weyn ee hubka Niyukliyerka.”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Putin.

Kulankan ayaa ah mid yimid iyadoo xiriirka labada dal ee Ruushka iyo Maraykanka  uu isbedbedelayo waxayna labada dal ay yihiin kuwo xafiiltan uu ka dhexeeyo.



70 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines