Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Eritrea Oo Dib Boodhka Uga Jafaysa Safaaradeedii Addis Ababa.



Mon 16 July 2018.

Waa isku soo dhawaayo iyo xiriir mar kale dib loo yagleelayo oo dhaxmara labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea oo ka badan 20 sano ay dhax taallay colaad galaafatay nolasha dad badan oo ka soo kala jeeda labada dal, kaddib markii dib boorka looga jafay safaaraddii Eritrea e magaalada Addis Ababa.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay isla gudaha safaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha dalka Eritrea, waxaana safaaradda ka muuqda guud ahaan marka la eego dayac iyo dar-yeelaan muddo dheer soo daashatay.

Gadiidka iyo agabka guud ahaan saafaradda dhax yiilay waxaa dusha sare ka buuxiyay boor sawir guud ka bixinaya sidda ay muddo dheerba loogu shaqeyn.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa markii la doortayba tallaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa in meesha laga saaro colaada labada dowladood dib-na loo soo celiyo cilaaqaadkii siyaasiga iyo daris –wanaaga ahaa muddo dheerba ka soo dhaxeeyay labada dowladood, taasoo dhinaca kalana caalamku siweyn u soo dhaweeyay.

 



66 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines