Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dibadbax Looga soo Horjeedo Booqashada Trump Ee Britain Oo ka Dhacay London.



Thu 12 July 2018.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa markii ugu horeesay tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa booqashadii ugu horeesay uu ku tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Booqashada Trump ee Britain oo qaadan doonto saddex maalmood ayaa waxaa uu la kulmay ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo boqoradda Ingiriiska, Queen Elizabeth.

Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweyne Trump ayaa ka dhacaya magaalada London, gaar ahaan safaaradda Mareykanka ee dalkaasi, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka wadooyinka magaalada London.

Mar madaxweyne Trump wax laga weydiiyay dibadbaxyada ka dhanka ah ayaa waxa uu sheegay in uusan wax dhib ah ku qabin arrintaasi, oo dadka Britishku ay jecelyihiin isaga.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan oo ay horay hadalo xanaf leh isu weydaarsdaeen madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay dadka dibadbaxa dhigaya inay ilaaliyaan nabadgelyada,waxaana uu intaa ku daray in dadkani aysan necbeyn shacabka Mareykanka balse ay neceb yihiin mudawakh Truram



16 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines