Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Khadadka Telefoonada Itoobiya iyo Eritrea Oo la Isku Furay 20 Sano kadib.



Tue 10 July 2018.

Dadka isticmaala shirkadaha isgaarsiinta dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa si rasmi ah uga farxay tallaabada khadadka teleefoonada dib la isugu furay oo hadda ay teleefoonada isku diri karaan iyagoo kala joogo labada dal.

Dadka qaar ee ku kala sugan Itoobiya iyo Eritrea ayaa markiiba billaabay inay la xiriiraan ehelkooda degan deegaannada xadka.

Shirkadda isgaarsiinta Itoobiya ayaa malaayin farriimo ah u dirtay macaamisha isticmaala teleefoonada oo ay shaaca ka qaaday in khadadka telefoonada Eritrea hadda si rasmi ah loo furay.

Isniinti hoggaamiyeyaasha labada dal waxay ballan qaadeen inay soo afjarayaan colaadda xadka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dib loo furayo isgaarsiinta taaso labada dal ay kala xirteen tan iyo sannadkii 1998-dii, waggaasi oo uu bilaawday dagaalka xadka.

Dadka qaarkood waxay si jeesjees ah ay uga hadlayaan tallaabadan ‘waxay leeyihiin waxay qabanaynaa wicitaankii sannadkii 1998-dii’ waxaana kamid ah dadkaasi weriye u shaqeeyo wakaaladda wararka ee Reuters.



54 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines