Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Khasaaro Duufaantii Sagar U Gaysatay Shirkadii Kaluumaysiga Ee Lughaya Sea Food Oo Saamaysay Nolosha Kaluumayatadii.(Sawiro)



Mon 09 July 2018.

Shirkadii Lughaya Sea Food ee dhinaca kaluumaysiga ee xarunteedu ahayd magaalada Lughaya ayaa wali albaabadu u laaban yihiin kadib markii ay ka soo kaban wayday khasaarihii kasoo gaadhay Duufaantii Sagar ee ku dhufatay degmadaasi Lughaya 17kii ilaa 19kii bishii May 2018.

Duufaanta ku dhufatay degmadaas ayaa khasaare soo gaadhsiisay dhismihii shirkada, mishiinadii dabka ee baraf dhaliyaasha ahaa, qaboojiyayaashii kaydka kaluunka, doonyo, shabaag iyo qalab badan oo kaluumaysi oo laf dhabar u ahaa shaqada shirkadaas.

Sidoo kale khasaaraha soo gaadhay shiradan Lughaya Sea Food ayaa waxa uu si toos ah u taabtay nolosha qoysas badan oo ku shaqaysan jiray xirfada Kaluumaysiga oo ay noloshoodu ku tiirsanayd, kuwaas oo isugu jiray kaluumaysato madax banaan oo kaluunka ka iibin jirtay shirkadan iyo shaqaalo kor u dhaafaya 50 oo iyagu isugu jiray, kaluumaysato iyo shaqaalahii xarunta iyo kuwii ku shaqaynayay gaadiidka shirkada marka kaluunka loo iibgaynayo degaanada kale ee dalka

Maxamed Yuusuf Cumar oo waxa uu ka mid yahay dadka ay shaqo la’aantu taabatay kadib markii shirkadan kaluumaysi loo xidhay khasaarahii ka soo gaadhay duufaantii Sagar, waxana uu sheegay in ay nolosha qoyskiisu tahay manta mid ku tiirsan deeqaha degmadaas la keeno

“Waxaan lahaa doon yar oo aan ku shaqayto, maalin walba shabaga aan bada dhigo wax uun baa ii gali jiray, waxana kaluunkaas naga gadan jiray shirkada, sidaas ayaanan ku heli jiray nolol maalmeedka, maantase ma jirto meel aan u shaqo tago, nolosha qoyskayguna waxa ay ku nooshahay deeqaha soo gaadha degmada ee ka imanaga dhinacyada kala duwan, waxana aan noqday markii shirkadaasi xidhantay mid xirfadiisa aan ku shaqayn kuna nool Garaam la bixiyo”

Masuuliyiinta degmada ayaa sidoo kale sheegaya in shirkadan Lughaya Sea Food ay halbowle u ahayd ganacsiga degmada, gaar ahaan magaalada Lughaya, maadaama oo ay ahayd shirkada ugu wayn ee ku taala Magaalda Lughaya iyo Isha ganacsi iyo shaqo abuur ee ugu balaadhan ee ay dagmadu leedahay

“Waxa Meesha ka baxay cashuurtii dawladu ay qaadaysay ee hormarka adeegyada aasaasiga ah lagu qaban jiray, qof kasta oo Lughaya ku sugana si dadban iyo si toos ah labadaba waxa uga soo galayay shirkadan dakhli uu ku xisaabtamo, oo dhaqaalaha degmada kaalin xoogan kaga jiray, waxaas oo dhan Meesha way ka bexeen, shirkadaasina waxa ay u baahan yahay in loo gurmado si loo badbaadiyo noloshii qoysaskii ku tiirsanaa oo kaalmada raashinka u badan ee la siiyaa ay tahay mid aanan sii wadayn, ayuu yidhi Abuubakar oo ah sarkaal ka tirsan Wasaarada Kaluumaysiga ee degmada Lughaya.

Abuubakar ayaa xusay in khasaaraha ka soo gaadhay shirkadan Duufaahta uu yahay mid xoogan oo aanay suura gal ahayn Milkiilayaasha shirkada oo kaliya inay wax ka qabtaan loona baahan yahay in Xukuumada iyo Hayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya dhinaca hormarinuba inay taageeraan

Shirkan ayaa xaqiiqdu tahay hadii dib loo shqo galiyo inay noqon karto mid ay ka dhalan karaan shaqo abuur intii hore ka balaadhan iyo sidoo kale xarun tababar oo dhinaca kaluumaysiga ah lagu siiyo muruqmaalka kumanaan qoys ee manta barakacsan kadib markii duufaantii Sagar ay ka dhamaysay xoolahoodii kuwaas oo manta ah kuwo afka laga quudiyo una baahan dib u dajin iyo in bada lagu jeheeyo.
Maxamed Bili bili
Awdalmedia.com
Boorama



67 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines