Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maxkamada Koonfur Afrika Oo Dhagaysatay Eedo loo Haysto Wiil Uu Dhalay Madaxwaynihii Hore Ee Jacob Zuma.



Mon 09 July 2018.

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla magaalada Johannesburg isagoo katiinadaysan,waxaana loo haystaa eedeymo musuq maasuq.

Duduzane Zuma ayaa waxaan lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa fadeexad lagu malaayin oo laaluush ahaan lagu lunsaday oo ay ku lug lahaayeen qoyska Gupta ee ku dhaqan daalkaasi.

Balse qoyska Gupta ayaa iska foggeeyay eedeymaha ah inay laalushayeen wasiir dowladda ka tirsan.

Duduzane Zuma ayaa beeniyay in wax khaladaad ah uu gaystay, waxaana lagu soo daayay damaanad.

Waxaa dhagaysiga dacwaddiisa dib loo dhigay ilaa bisha January ee sannadka nagu soo aadan.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines