Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qaar kamid ah Wasiiradii la Magacaabay Ee Jubbaland Oo la Dhaariyay.(Sawiro)



Mon 09 July 2018.

Ilaa lix wasiir oo ka tirsan xubnihii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta loo dhaariyay, xilalkooda, ayadoo munaasabadda dhaarinta ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Goobtii lagu dhaarinayay xubnaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan, oo kula dardaarmay xubnaha golaha wasiirada cusub ee maanta xilka loo dhaarinayo in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan sharciga.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Jubbaland Barre Ibraahim Axmed ayaa dhaariyay masuuliyiinta, ayadoo xubnahan ay gacanta saareen kitaabka qur’aanka kariimka ah, kuna dhaarteen in ay waajibaadkooda u gudan doonaan si waafaqsan shareecada Islaamka islamarkaana ku dhaqmi doonaan dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland.

Xubnaha maanta xilalkooda loo dhaariyay ayaa kala ah;

Dr. Mursal Max’ed Khaliif, Wasiirka wasaaradda caafimaadka Jubbaland
Eng. Cabdi Xuseen Max’ed Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland
Mudane Cumar Max’ed Cabdi, Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo arimaha Federaalka Jubbaland
Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi, Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland
Mudane Max’ed Xasan Max’ed, Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Jubbaland
Eng. Ismaaciil Axmed Garas, Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo guriyeynta

Xubnahan ayaa kamid wasiirada cusub ee kasoo dhex muuqday isku shaandheyn uu madaxweynuhu dhawaan ku sameeyay golihiisa wasiirada, ayadoo ay xusid mudantahay in ay jiraan wasaarado aysan saameyn ku yeelan isku shaandheynta oo ay kamid yihiin, wasaaradaha Amniga, Arimaha gudaha, Maaliyadda, Waxbarashada iyo Beeraha.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines